Home Wararka Maanta Qof meydkiisa oo laga helay Xaafada Biskopsgården ee Caasimada Göteborg,,

Qof meydkiisa oo laga helay Xaafada Biskopsgården ee Caasimada Göteborg,,

0

Sida uu sheegay Booliska Magaalada Göteborg ee Caasimada labaad ee sweden waxaa Xaafada Biskopsgården laga helay meydka qof.

Booliska ayaa helay Fariin muujineysa in qof meydkiisa uu yaala xaafadaasi kadib markii dad badan ay goobtaasi ku arkeen qofkaasi,

booliska ayaa digniinta waxay soo gaartay abaaro 17:00 pm ee maalinta talaadada markaasi oo goobta laga soo qaaday meydka.

waxaa bilowday baaritaan ku aadan dilkaasi waxana jirin wali cadeemo muujinaya sababta dilkaasi keentay.

Madaxa Booliska ee Magaalada Göteborg Stefan Gustafsson ayaa u sheegay wakaalada TT in ay xireen wadooyinka soo gala goobta dhibaatada ka dhacday isla markana bilaabeen baritaanka isagoo intaasi ku daray in wali aysan aqoon sababta qofkaasi uu u dhintay.

Somaliska Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here