P4 Västmanland ayaa ku waramaya in la xiray nin looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa toogashadii ka dhacday Västerås jimcihii la soo dhaafay .
Waxay ahayd 10.30 fiidnimo markii nin 20 jir ah si xun loogu dhaawacay toogasho ka dhacday xaafad ku taal degmada Skallberget. Xaaladiisa ayaa markaa la sheegay inay tahay mid halis ah.
Sabtidii, ayaa waxaa la xiray nin kale oo looga shakiyay isku day dil. Waxaa la siidaayay Axaddii markii tuhunkiisa uu daciifay.
Ninka hadda gacanta lagu hayo ayaa lagu tuhunsan yahay inay u badan tahay inuu gacan ka geystay isku daygaasi dil.
Wararka kale ee Maanta
AD