Home Wararka Maanta Qof lagu toogtay Xaafada Tensta ee Caasimada Stockholm

Qof lagu toogtay Xaafada Tensta ee Caasimada Stockholm

0

Boliiska Stockholm ayaa lagu wargaliyay toogasho ka dhacday Xaafada Tensta gaar ahaan Nawaaxiga Centerka sida booliska ay shaaciyeen.

Photo ANDREAS BARDELL

Dhoor Rasaas ayaa laga maqlay goobta waxaana Dadkii ka agdhawaa goobta ay ku wargaliyeen Booliska Falka ayaa dhacay abaaro Shanta Galabnimo.

Waxyar kadib, qof dhaawac ah ayaa laga helay meel u dhow goobta toogashada ka dhacday waxana qofka dhaawac uu kasoo gaaray dhabarka.

– Qof qaba dhaawac rasaas ayaa laga helay xaafadda Tensta. Markii hore waxaan ku daryeelnay goobta, laakiin kadib waxaa loo qaaday isbitaalka, ayuu yiri Ola Österling, afhayeenka saxaafadda ee booliska Stockholm.

Dhaawaca dhibbanaha ayaa ahaa mid culus sida uu Booliska sheegay.

Ola Österling ayaa intaasi ku daray in Baaritaan ay ka sameeyeen goobta oo ku aadan kooxaha ka danbeeyay dilka.

Goobjoogayaal la hadlay Aftonbladet ayaa sheegay inay arkeen laba qof oo goobta ka kaxeynaya mooto.

Sida laga soo xigtay macluumaadka Aftonbladet, qofka toogashada lagu dhaawacay ayaa ahaa 18 jir ku nool Xaafada Spånga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here