Home Wararka Caalamka Qof lagu toogtay goob jimicsi oo ku taalla Götenborg

Qof lagu toogtay goob jimicsi oo ku taalla Götenborg

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Wiil dhalinyaro ah ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray toogasho ka dhacday gudaha qolka jimicsiga ee Hisingen ee Göteborg fiidnimadii caawa, sida uu sheegay booliska Sweden, waxaana goobta shilku ka dhacay loo diray dhowr booliis ah.

Booliska ayaa tilmaamay in ninka dhalinyarada ah uu jiray shan iyo labaatan jir, qoyskiisana lagu soo wargeliyay geeridiisa.

Sida laga soo xigtay booliska, dhowr qof ayaa ku sugnaa gudaha qolka jimicsiga markii ay toogashadu dhacaysay oo ka baxay markii ay maqleen dhawaqa rasaasta.

Anna Goranson oo ka tirsan booliiska magaalada ayaa sheegtay in toogashada uu geystay qof ku sugnaa gudaha hoolka.

Wakaalada wararka ee Sweden ayaa sheegtay in qof uu ka baxay goobta jimicsiga, waxaana looga shakiyay inuu falkaasi geystay.

Saddex baabuur oo ambalaas ah ayaa loo diray goobta

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here