Home Wararka Caalamka Qiimaha Korontada oo aad u kordhaya xiliga Jiilaalka soo socda

Qiimaha Korontada oo aad u kordhaya xiliga Jiilaalka soo socda

0
Foto: Henrik Montgomery / SCANPIX TT

Qiimaha korontada ayaa la filayaa inuu gaaro koror aad u weyn, jiilaalka soo socda, kaas oo kordhin kara kharashka biilasha, gaar ahaan milkiilayaasha guryaha.

Khubarada dhanka korontada ayaa wargeyska Dagens Industri u sheegay in laga yaabo in qiimaha korontadu uu sare u kaco, mulkiilaha Villa-da ee koonfurta Iswiidhanna laga yaabo inuu bixiyo ilaa 50,000 oo karoon inta caadiga ah ee korontada laga bixiyo bilaha jiilaalka.

“Waxaan la yaabi lahaa haddii qiimaha jiilaalkani aanu aad uga sarreyn jiilaalkii hore,” khabiirka tamarta Arne Bergvik ayaa u sheegay wargeyska.

Saadaashan waxaa taageeray Christian Holtz, oo ah falanqeeye ka tirsan Merlin & Metis, kaas oo saadaaliyay in “jiilaalka soo socda uu runtii aad ugu adag yahay isticmaalayaasha korantada ee koonfurta Sweden.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here