Home News in English Qaxootiga Sweden oo yaraaday darteed tiro Qaxootiga ku cusub dalka oo amaahday...

Qaxootiga Sweden oo yaraaday darteed tiro Qaxootiga ku cusub dalka oo amaahday qalabka guryaha la dhigto.

0

qof kasta oo ku cusub dalka sweden isla markana hela daganaanshaha sharciga dalka ayaa xaq u leh amaahda lacag uu ku gato qalabka la dhigto guryaha marka uu helo guri cusub ama dowlada ay dajiso.

Sanadkii 2018 ku dhawaad 12,000 kun oo qof ayaa helay lacagta amaahda ee ku aadan qalabka guryaha la dhigto taasi oo ka dhigan tirada qaxootiga dalka oo aad u yaraatay sanadihii u danbeeyay.

qofka shaqsiga ayaa loogu tala galay in uu amaahdo lacag gaareysa SEK 10,000 halka qoyska loogu tala galay in ay amaahdaan SEK 35,000 iyadoo dadka ugu badan ee lacagta amaahda lagu sheegay dadka kasoo jeeda dalka suuriya.

warbixinta ayaa laga soo xigtay ( Centrala studiestödsnämnden (CSN) oo ah hay’ad qaabilsan bixinta lacagaha deymaha taasi oo xataa lacag amaahisa ardeyda waxbarata.

tan iyo sanadkii 2015 kadib waxaa aad u yaraaday tirada qaxootiga dalka imaaneysa iyadoo la xiray qeybo kamid ah xaruumaha lagu qaabilo qaxootiga dadka qaxootiga oo yaraaday awgeed.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here