Wakaaladda Qaramada Midoobay u qaabilsan sinnaanta jinsiga ayaa sheegtay in dadka ugu badan ee uu dhibku ka soo gaaray duulaanka Israa’iil ee Qasa ay yihiin dumar iyo caruur, halkaas oo lagu dilay dad ka badan 16 kun oo qof, iyadoo saacad kasta dagaalka lagu weynayay labo hooyo tan iyo markii uu bilowday.
Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in natiijada dagaalka socday muddada ka badan 100 maalmood ay ka dhigtay carmallo sedex kun oo haweena, laga yaabee in caruurta ku agoontowday ay kor u dhaafayso toban kun.
Wakaaladda Sinnaanta Jinsiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in culeyska ugu badan ee caruurta iyo dadka soo qaxay ay dusha uga dhacday haweenka.
Waxay intaa ku dartay in dadka Marinka Qasa dagan oo ah 2.3 milyan oo qof, 1.9 milyan oo kamid ah ay barakaceen iyo “ku dhawaad hal milyan oo haween iyo gabdho isugu jira ayaa raadinaya hoy iyo badbaado.