Laba nin oo Israa’iili ah oo Qaza lagu haystay tan iyo 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore kana soo muuqday Video ay dhawaan soo saartay Xamaas ayaa dhintay, sida lagu sheegay bayaanno ka soo baxay Israel
Xarunta Golaha Qoysaska La haysto iyo Shaqsiyaadka la la’yahay ee Israel ayaa ku dhawaaqay dhimashada Yossi Sharabi iyo Itai Svirsky oo ku dhintay duqeymaha Israel ka wado Gaza.
“Sharabi, oo 53 jir ah, waxa uu ahaa aabbe iyo nin jecel oo daacad ah, qoys dhab ah oo qalbi weyn leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sharaabi walaalkii Celi ayaa sidoo kale laga soo kaxaystay gurigiisa oo ku yaala Kibbutz Beeri waxaana wali gacanta ku haya Xamaas.
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Isniintii sheegay in Xamaas ay ku dhaqmayso “dagaal maskaxeed” iyaga oo siidaaya muuqaallada la haystayaasha.