Home Wararka Caalamka Nin Watay Lacag Kaash ah oo lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Arland

Nin Watay Lacag Kaash ah oo lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Arland

0
Photo: Fredrik Sandberg/TT

Sida uu sheegay Booliska nin Watay lacag kaash ah ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Arland ee Caasimada Stockholm lacagta kaashka ayaa cadadkeeda lagu sheegay 700,000 kr oo lacagta Sweden.

Lacagta kaashka ee uu watay ninkan ayuu doonayay inuu marsiiyo Garoonka Diyaaradaha lakin booliska ayaa garoonka ayay u suura gashay inay gacanta ku dhigan ninkan iyo lacagta uu watay.

Waa markii Saddexaad oo mudo kooban lacag Cadaan ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Caasimada Stocholm.

Shirkadaha Xawaalada ee Dalka Sweden ayaa badankooda laga xiray Koontooyinka ay ku lahaayeen Bangiyada taasi oo keenta in Lacago cadaan ah laga bixiyo garoonka Diyaaradaha.

Somaliska Stocholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here