Home News in English Qaabka ugu Fudud ee Shaqada lagu Helo Dalka Sweden iyo Yurub

Qaabka ugu Fudud ee Shaqada lagu Helo Dalka Sweden iyo Yurub

0

Waxaa maanta ku jirnaa Dhamaadka Todobaadka iyadoo Todobaad walbo Dhamaadkiisa aan soo qaadan doono Warbixin muhiim u ah Bulshada iyadoo aan Warbixinteena ugu Magacdarnay Nashada Todobaadka,

Todobaadkan Xubinta Waxaan ku soo qaadaneynaa Shaqada iyo Qaabka lagu helo waana mid kamid ah Waxyaabaha ugu muhiimsan ee bulshada Dhexdeeda waxana ku soo koobeen ilaa Shan Qodobo oo muhiim ah.

1 Helitaanka Qof Shaqada kaga horeeya.

in Qof uu goobta Shaqada kaga horeeyo isla markana Maamulka Shaqada kuugu gudbiyo waa mid kamid ah Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Qofka ku heli karo Shaqada Dalka Sweden iyadoo Nuuca Qofkaaasi uu yahay adna laguu arki karo tusaale hadii uu yahay qof wanaagsan oo la tixraacayo.

2 Shirkadaha Wakiilada ah.

Sanadihii u danbeeyay waxaa soo kordhay shirkado wakiil ka ah goobaha shaqada bemanningsföretag ama Shirkad Dalaal Shirkada waxay badanaa fiirisaa labo arin in aad heysato Waxbarasho ama in shaqo kale aad heysato haafkeed hadii aad heysato shaqo kale xaalka waa ok hadii aadan heysan fadlan qeyb waxbarasho la imow si shaqada aad u tagto una gasho kadib shaqada waqti buuxo ayaa ka dhigan kartaa hadii uu dhaco isfahan adiga iyo shaqada.

3 Shaqo Raadinta

Marka aan soo qaado qodobkan dad badan ayaa durba orandoono bal fiiri waxaan waan ku daalnay maya taasi adiga ayaa aamisan tusaale shaqo lasoo galshay maanta waxaa feecan isla maanta daqiiqad kadib inaad raadiso lakin dhoor maalin kadib marka aad raadiso waa goor goobtii shaqada uu qof shaqada ka bilaabay waxa aad sugta waa halheesta caan baxay ee ( mar kale isku soo day nasiib wacan) oo mar walbo aad arkeyso.

4 CV Qurux Badan

Mar kale waa Ciwaan aad layaabi karto lakin CV Qurux badan waxa uu kaa caawinayaa in aad shaqo hesho tusaale Aniga Caydaruus marka aan CV-ga ku qoro Waxan kasoo shaqeeyay meel hebal iyo meel hebal sidoo kale tababar ayaa soo qaatay adiga aad ku qorto wali ma shaqeyn ama labo bil ayaa tababar soo sameeyay durba CV-ga ayaa go’anka kala saaray sidoo kale Warqada Qofka Personlig Brev waa muhiim waayo marka aad dhaho filin ayaa jeclahay daawashadiisa qofka kalena uu dhoho jiimka iyo bulsho la kulanka ayaa jeclahay markaa mar kale go’anka halkaasi ayuu ka cad yahay marka isku day in aad qurxiso CV-ga.

5 Xafiiska Shaqada

Xafiiska Shaqada ee Dalka Sweden Arbetsförmedlingen waa goobta ugu muhiimsan ee qofka ka caawiya shaqooyinka waxana uu mar kasta qofka ka bixiyaa boqolkiiba 80% taasi waxay kaa caawineysa in aad gasho suuqa shaqada taasi waa fursad muhiim u ah in aad isku muujiso shirkada aad shaqada u bilowday.

in aad heysato kaarka gaari wadista waa muhiim lakin ma heli karta la’anta shaqo la’an waayo wax walbo dhaqaalo ayaa ku baxa marka isku day in aad dhaqaalo sameyso si aad u hesho kaarka gaari wadista marna ha noqon qof niyad jaba.

Fiiro gaar ah hadii aad tahay qof wax barto kaliya qeyb kamid ah waqtigaaga shaqey si aad u hesho waqtiga kugu filan oo mustaqbalkaga aad ku dhisto.

Kulanti danbe Todobaadka Danbe iyo Warbixinta ( Nashada Todobaadka)

W/Q Caydaruud Axmed Sahal ( CAYGA)

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here