Home News in English Putin oo ka hadlay Dagaalka Ukraine iyo Qorshaha Dowladiisa ee Dagaalka

Putin oo ka hadlay Dagaalka Ukraine iyo Qorshaha Dowladiisa ee Dagaalka

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa khudbad laga sii daayay Talafashinka waxa uu ku sheegay in Ruushka uu kula dagaalamayo “Naasiyiinta cusub” ee Ukraine ku sugan.

Putin ayaa askarta Ruushka ku tilmaamay geesiyaal, wuxuuna ku dhawaaqay billad la siiyay askari ka dhintay oo uu madaxwaynuhu sheegay inuu is qarxiyay si aan loo qaban, ayuu qoray Sky News .

Putin waxa uu sheegay in dadka Ukraine iyo Ruushka ay yihiin hal Dad, balse dadka reer Ukraine “la handaday oo maskaxda laga xaday”.

Dhowr goob joogayaal ayaa sheegay in Ruushka uu u muuqdo in uu qasaaro xoogan ka soo gaaray Ukraine. Ruushka ayaa qirtay in ku dhawaad ​​500 oo askartooda ah lagu dilay todobaadkii ugu horeeyay ee duulaanka. Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay inay dishay 9,000 oo askari oo Ruush ah.

Si ka duwan warbixintii ka soo baxday maamulka Ukraine ee ahaa in ciidamada Ruushku ay ilaalinayaan meelaha ay dadku ku badan yihiin ee magaalooyinka ay go’doomiyeen, Putin waxa uu ku andacoodey in Ruushku uu sameeyay waddooyin bini’aadantinimo si ay dadka rayidka ahi uga cararaan.

Dagaalku “wuxuu u socdaa sidii qorshuhu ahaa,” ayuu yiri madaxweynaha Ruushka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here