Home Wararka Caalamka Nyamko Sabuni ” Waxaan taageersanahay in lagu biiro Ururka NATO

Nyamko Sabuni ” Waxaan taageersanahay in lagu biiro Ururka NATO

0
Photo/Fredrik Persson / TT

 Hogaamiyaha xisbiga Liberalerna Nyamko Saboni ayaa taageertay soo jeedinta hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Christerson ee ah in uu xubin ka noqdo NATO haddii uu noqdo ra’iisul wasaare.

“Anigu waxaan ku raacsanahay Ulf in la gaadhay wakhtigii codsi la samayn lahaa, haddii uu Raysal-wasaare noqdo waan taageeraynaa,” ayay Saboni ku tidhi hadal ay shalay ka jeedisay shirweynaha xisbigeeda.

Waxay intaas ku dartay, “Waxaan isticmaalnaa awaamiirta ka jirta baarlamaanka Sweden. Baarlamaanka isagaa iska leh arrinta, haddii mooshinka cod loo qaadona annaga ayaa sameyneyna”.

 Waxay rajaynaysay in xisbiga Social Democratic Party ee dawladda uu taageerayo tallaabadan, laakiin waxay u aragtay inay adag tahay in la go’aamiyo “sida ay u dhaqmi doonaan, sababtoo ah waxay haystaan ​​koox doonaya inay ku biiraan NATO iyo koox kale oo aanan taageesaneyn,” ayay tidhi. Saboni.

Waxay ku tilmaantay waxa ka socda Ukraine kuwo laga naxo. Waxay tidhi, “waa wax qalad ah Magaca qofka mas’uulka ka ah arrintan waa Vladimir Putin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here