Home Wararka Caalamka Nyamko Sabuni oo iska Casishay Xilkeeda kuna dhawaaqday inay ku Fashilantay Mideynta...

Nyamko Sabuni oo iska Casishay Xilkeeda kuna dhawaaqday inay ku Fashilantay Mideynta Xisbiga

0

Madaxii hore ee xisbiga Libaraalka, Nyamko Saboni , ayaa sheegtay in ay ku guuldareysatay in ay mideyso xisbiga oo ay bedesho ra’yiga dadweynaha ee ku wajahan.

“Waxaan arkayaa is-faham weyn oo ka dambeeya Johann Pershon (Hogaamiyaha cusub),” Saboni ayaa ku dartay wareysigeedii ugu horreeyay ka dib markii ay is casishay.

Jimcihii la soo dhaafay, Saboni ayaa si la yaab leh ugu dhawaaqday in ay iska casishay shir jaraa’id.

Saboni ayaa maanta bixisay waraysigeedii ugu horeeyay kadib markii ay iska casishay xilka iyadoo la hadashey TV4, waxayna ku sheegtay in go’aankeeda ay kaga tageyso jagadaasi uu ahaa mid sax ah.

Saboni ayaa tidhi, “Laba arrimood oo aan ku guulaysan waayey, kow waa in xisbiga la mideeyo, midda kalena waxa weeye in aan wax ka beddelo habka ra’yul-caamka Taasi waa sababta aan u qaatay go’aanka ah in aan hoggaanka ku wareejiyo Johann Perschen,” iyadoo oo intaa ku dartay, “Kama hadlayo taageero la’aan, taa beddelkeeda, waxaan taageero weyn ku lahaa xisbigayga, laakiin waxaan ka hadlayaa kala qaybsanaan.

Waxaan soo marnay marxalad adag, waxaana qaadannay go’aamo adag. Dabcan waxa jira shaqsiyaad aan ku raacsanayn go’aamadan xisbigayaga”. “Dad yar ayaa xisbiga ka dhigay mid kala qaybsan,” ayay tidhi.

Saboni ayaa xaqiijisay in iscasilaadaasi ay gabi ahaanba tahay go’aankeeda gaarka ah, isla markaana aysan jirin wax cadaadis ah oo kaga imaanayay xisbiga dhexdiisa, iyadoo tilmaantay inaysan wax dareen ah ka qabin iscasilaadaasi. “Waxaan rajaynayay inaan xisbigayga ku hogaamiyo ololaha doorashada,” ayay tidhi. Waxa aan dareemay taageero xooggan, laakiin kama aan helin xisbiga oo dhan.”

Iscasilaada Saboni ayaa timid 5 bilood ka hor doorashada la filayo bisha Sebtembar ee soo socota. Tan iyo bishii Juun 2019, ra’yi ururinta Libaraalka ayaa si joogto ah uga hoosaysay boqolkiiba 4 heerka gelitaanka baarlamaanka. Codbixintii ugu dambeysay, waxay heleen 2.7 boqolkiiba codadka.

Nyamko Sabuni waxa ay Sweden qaxoontinimo ku timid sannadkii 1981-kii iyada oo 12 jir ah. Waxay wax ka aasaastay ururka Iswiidhishka ee Afrika, 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here