Home Wararka Maanta Norwey oo soo saartay Sharuudo Cusub Dadka u soo Safraya Wadanka

Norwey oo soo saartay Sharuudo Cusub Dadka u soo Safraya Wadanka

0

Dowlada Norway ayaa maanta soo saartay Sharuudo cusub oo ku saabsan Dadka u soo  safraya Wadanka waxana uu dhaqan galayaa 26 bisha November oo maalmo ka hartay.

Sababta ugu weyn ee Sharuudaha cusub keentay ayaa ah in kiisaska Corona uu ku sii kordhayo wadanka.

Sharuudaha oo lagu qoray Qeybta internetka ee Dowlada waxaan kasoo qaadnay inta muhiimka oo kaliya.

1 Qofka u soo safraya wadanka waxaa Qasab ah in uu heesto shahaadada Corona ama baaritaanka 48 ee lasoo dhaafay.

2 Sharuudaha Wadanka ee horay u jiray ayaa dib loo soo celiyay.

3 Dadka u soo safraya wadanka waa in ay iska diiwaangaliyaan nidaamka diiwaangalinta ee wadanka 16 sano jirka iyo waxa ka hooseeya ayaa laga dhaafay.

4 si isku mid ah dadka kasoo safraya Wadamada halista ah iyo kuwa kale ayaa laga doonayaa tijaabada Corona.

5 Shaqaalaha Xaruunta Qaranka ee Hubinta Socdaalka oo la kordhiyay iyo Qodobo kale oo dheeraad ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here