Home Wararka Maanta Norway: Xayiraadaha saaran Oslo oo Laga qaaday Qaarkood

Norway: Xayiraadaha saaran Oslo oo Laga qaaday Qaarkood

0

Madaxa Golaha Degaanka Raymond Johansen ayaa ku dhawaaqay in dib u furida Oslo ay noqon doonto mid tartiib tartiib ah loona xakameyn doono.

Johansen ayaa dib u furida ku cadeeyay shir saxaafadeed galabnimadii Talaadada maanta isagoo ku dhawaaqay in qorshaha dib u furista caasimada uu diyaar yahay.

Johansen wuxuu sheegay in golaha deegaanka Oslo ay ka khafiifin doonaan mamnuucida in ka badan laba qof oo soo booqda guryaha gaarka loo leeyahay.

Wixii hada ka dambeeya, waxaa suurta gal ah in ilaa toban qof ay isu soo baxaan.

Mamnuucida in ka badan laba qof ayaa la soo saaray 17-kii Maarso.

Talaabada koowaad

Maanta, tallaabada 1aad waxay ka mid tahay qorshaha dib-u-furista Oslo.

Isbedelada soo socda ayaa lagu dabaqi doonaa:

  • Mamnuucida in ka badan laba qof oo soo booqda guryaha gaarka loo leeyahay ayaa loo badalay in laga mamnuuco in ka badan toban qof.
  • Dhacdooyinka bannaanka illaa 10 qof ayaa loo oggolaan doonaa.
  • Ilaa 20 kaqeybgalayaasha ciyaaraha isboortiga iyo howlaha loogu talagalay bannaanka carruurta iyo dhallinyarada da’doodu kayar tahay 20 sano waa la oggolaan doonaa.

Xayiraadaha soo socdaa wali waa kuwo shaqeynaya:

  • Muwaadiniinta jimicsiga jecel ee Oslo ayaa sugi doona xoogaa dheer si ay ugu laabtaan goobaha jimicsiga, kuwaas oo ka xirnaa caasimada ilaa iyo 10 Nofembar.
  • Goobaha laga dukaameysto iyo dukaamada Oslo waa inay xirnaadaan.
  • Xaddidaadda u adeegida khamriga, oo la dhaqan galiyay ilaa Nofeembar, ayaa wali socota.

13-kii maalmood ee ugu dambeeyay, Oslo waxaa ku dhacay in ka yar 200 oo kiisas corona ah maalin kasta.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here