Home Wararka Norway Norway: Qoyska dhala labo imo ka badan hala siiyo Abaal marin Dhaqaale

Norway: Qoyska dhala labo imo ka badan hala siiyo Abaal marin Dhaqaale

0

sida muuqata waxaa aad u yaraaneyso tirada dadka Norwegiga iyadoo aysan Muwaadiniinta badankooda aysan rabin dhalmada caruurta badan.

Arintaasi waxay keentay in ay yaraato heerka dhalmada ee wadanka waxana bilaabatay in shacabka la dhiiro galiyo.

Xisbiga SP oo ka tirsan Xisbiyada wadanka ayaa hada soo jeediyay in la abaalmariyo Qoyska dhala labo caruur ka badan abaalmarinta oo ah mid dhaqaale lacag ah.

Afayeenad u hadashay Xisbigaasi oo lagu magacaabo Ã…slaug Sem-Jakobsen ayaa sheegtay in balanqaadkaasi uu dad badan ku dhiiro galinayo sidii caruur badan u dhali lahaayeen.

Norway ayaa ah wadanka kaliya ee Yurub kuwaasi oo lacag badan siiyo xiliga hooyada ay dhasho lacagtaasi oo toos loogu wareejiyo.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here