Home News in English Norway oo soo saartay tirada Somalida heshay Dhalashda iyoTirada guud

Norway oo soo saartay tirada Somalida heshay Dhalashda iyoTirada guud

1

Ku dhowaad 19,500 oo ajaanib ah ayaa qaatay dhalashada Norway sanadkii 2020. Taasi waxay ka badan tahay 6,300 sanadkii ka horeeyay.

Inta badan dadka qaatay dhalashada Norwey sanadkii hore waxay ka yimaadeen wadamo ku yaal Aasiya iyo Afrika, sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay agaasinka soo galootiga dalkan Norway (UDI).

Muwaadiniinta cusub ee Noorweey waxay ka yimaadeen in ka badan 100 waddan oo kala duwan, laakiin qiyaastii mid ka mid ah saddexdii muwaadin ee cusub ayaa asal ahaan ka soo jeeda waddamada Afrika. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ugu sareeya liiska sanadkii hore ee 3,000 oo la siiyay dhalashada, taas oo lamid ah tiradii la siiyay sanadkii 2019. waxaa ku xiga muwaadiniinta Ereteriya oo helay 2,700 taas oo ku dhowaad laban laab ka badan tii sanadkii hore.

Sida caadiga ah, waa inaad 7 sano deganaansho sharci ah ku laheyd Norway kahor intaadan dalban dhalashada Norway.

Marka laga soo tago kuwa qaatay dhalashada Norwey, ilaa 18,000 oo qof ayaa helay sharciga deganaanshaha joogtada ah ee Norwey sanadkii hore. Taasi waxay ka yartahay 2,500 sanadkii hore.

Halkaan, muwaadiniinta Siiriyaanka ah ayaa liiska ugu sareeya liisaska wax kayar 6000, Eriteriyaanka ayaa kujira booska labaad oo leh 2,220, waxaa ku xiga soomaalida oo heysata 1,500 oo sharci degenaansho. Boqolkiiba 90 dadka codsaday deggenaanshaha rasmiga ah ayaa oggolaaday codsiga.

Laga soo bilaabo sanadka cusub ee 2020, waxaa loo furay muwaadiniintii hore ee Norway, oo lumiyay dhalashada Norway markii ay qaateen dhalashada dal kale, inay dib u helaan dhalashadoodii hore ee Norway. Sidaas darteed, tirada codsiyada dhalashada Norway ayaa si aad ah u kordhay xagaagii la soo dhaafay safka codsadayaashu wuxuu ahaa ku dhowaad 40,000, sida ay sheegtay UDI.

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here