Home Wararka Maanta Norway oo sheegtay in Dowlada Somaliya ay kala shaqeyso Tarxiilka Qaxootiga

Norway oo sheegtay in Dowlada Somaliya ay kala shaqeyso Tarxiilka Qaxootiga

0
Photo BOOLISKA AUSTRIA

Dowlada Norway gaar ahaan Hay’ada dhanka Tarxiilka u qaabilsan Wadanka ee Håvård Bekk ayaa sheegay in Dowlada Somaliya ay kala shaqeyso arimaha Tarxiilka.

Laanta Booliska u qaabilsan Arimaha Tarxiilka oo la hadlay TV-ga Dowlada ayaa sheegay in xiriira wanaagsan uu kala dhaxeeyo dhanka Dowlada Somaliya marka ay timaado arimaha tarxiilka.

Sanadkii 2019 ayay sheegeen in Somaliya u tarxiileen 53 Qof isla sanadkan xiga ayay Dowlada sheegtay in Somaliya u tarxiileen 11 Qof sanadkan 2021 bilowgiisa ayuu booliska sheegay in 4 Qof u tarxiileen Somaliya.

Hadalka booliska ayaa yimid kadib markii dhawaan haweeney somali ah oo lagu eedeeyay arimo dhanka argigixisada lagu fasaxay wadanka iyadoo qeybta amaanka ay codsadeen in haweeneydan wadanka laga tarxiilo waana markii ugu horeysay oo qeyb kamid ah Dowlada qirato Xiriirka dowlada.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here