Home Wararka Maanta Norway oo Sharciyo Cusub oo dhanka Socdaalka kasoo saartay Safarada Yurub

Norway oo Sharciyo Cusub oo dhanka Socdaalka kasoo saartay Safarada Yurub

0

Dowlada Norway ayaa maanta mar kale sharciyo cusub oo dhanka socdaalka kasoo saartay Xadka ay Sweden la dawaagto waxana Sharciyada kamid ah in Afar Gobol oo dheeraad ah loo furay Dhanka Socdaalka Halka labo horay u furnaa lagu soo rogay karantiil Cusub Waxana Gobalada la furay kamid ah Dalarna, Södermanland, Västerbotten iyo Uppsala.

Labada Gobol ee kala ah Skåne iyo Kronoberg ayaa markale lagu soo rogay karantiil Dadka kasoo safraya ee galaya Norway sida uu shaaciyay Wasiirka arimaha Dibada Norway.

Dowlada Norway ayaa dhanka kale badashey Safarada aan loo baahneen ee wadamada Yurub qaarkood sida France, Monaco, Switzerland iyo the Czech Republic go’anka ayaana ah in aan safar lagu tagi karin.

Norway iyo Denmark ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa laga dareemayaa in uu dib u soo laabtay Corona iyadoo Gobolada qaar lagu arkay kiisas cusub oo dhanka Corona.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here