Home Wararka Maanta Norway oo ku ganaaxday 20,000 NOK Tabaraha Xulka Qaranka Ståle Solbakken

Norway oo ku ganaaxday 20,000 NOK Tabaraha Xulka Qaranka Ståle Solbakken

0
Sawir: Geir Olsen / NTB

Dagbladet ayaa shaaca ka qaaday Isniintii in tababaraha xulka qaranka Norway Ståle Solbakken uu jabiyay karantiilkii ka dib markii uu ku sugnaa garoonka Briskeby galabnimadii Axada si uu u daawado labadiisii ​​koox ee hore ee HamKam iyo Lillestrøm oo ka tirsan horyaalka OBOS.

Wuxuu kaloo jabiyay karantiilkii markii uu bixiyay wareysi ku saabsan shaqada NFF ee Ullevaal Stadium isla maalintaas.

Macalinka xulka qaranka Norway ayaa ka dagay magaalada Oslo sabtidii 28 november saacadu markay ahayd 1 pm ka dib markii uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaal Copenhagen Muddada karantiilka ee Norwey ee loogu talagay dadka safarka ah ee tagay waddamada cas waa toban maalmood.

Gelinkii dambe ee Isniinta, warku wuxuu yimid in degmada bilayska Innlandet ay baaritaan ku sameyeen Solbakken oo ku saabsan jebinta karantiilka. Hada waxaa lagu ganaaxay 20,000 NOK.

Solbakken oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in uu jabiyay sharciga isla markana diyaar u yahay in uu bixiyo lacagtaasi.

Somaliska Oslo

Xigasho/Dagpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here