Home Wararka Maanta Norway oo joojineysa Lacagta la siiyo Goobaha Muslimiinta ku Cibaadeestaan..

Norway oo joojineysa Lacagta la siiyo Goobaha Muslimiinta ku Cibaadeestaan..

0

inkastoo ay adagtahay fulinta qodobkaasi hadana Wasiirka Cadaalada iyo Amniga Dalka Norway ayaa warbaahinta u sheegay in uu doonayo joojinta lacagta la siinayo ama lagu caawinayo goobaha ay ku cibaadeestaan muslimiinta.

Tor Mikkel Wara ayaa intaasi ku daray in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan goobaha kaniisadaha isagoo intaasi ku daray in xisbigiisa Frp uu arintaasi la qabo isla markana ku qeexantahay sharcigooda.

Wasiirka oo xilkaasi loo magacaabay mudo laga joogo 6 bil ayaa dhanka kale sheegay in ay lacagtaasi ka jarayaan goobaha musliliinta ku cibaadeestaan xataa hadii ay ka shaqeenayaan is dhexgalka bulshada.

hadalka wasiirka ayaa u muuqda mid looga soo horjeedo muslimiinta Norway inkastoo ay dhici karto in khilaafka uu ka dhasho dhanka dowlada iyo dhanka shacabka dalka oo heesto diimo kala duwan.

somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here