Boliiska ku sugan Galbeedka Norway ayaa ganaax lacageed oo dhan 20,000 oo karoon ah siiyay qof cudurka Coronavirus ah qaba kaasoo jabiyay karantiilkii guriga isla markaana aaday xaflad.
– Qofka waxaa la xaqiijiyay inuu qabo cudurka Covid-19, ganaaxa ayaa lasiiyay kadib markii uu jabiyay karantiil oo uu galay xaflad dhacday habeenki axada. Bilayska ayaa baaray kiiskan waxana waydiiyeen dhawr qof, bilayska degmada ayaa ku qoray war-saxaafadeed.
Ma sheegi doono jinsiga iyo da’da qofka, ama meeshuu ka dhacay ama degmada booliis ee uu ka dhacay.
– Qofka ayaa lagu wargaliyay ganaaxa isniinta. Haddii ganaaxa la bixin waayo, qofku wuxuu halis ugu jiraa xabsi 40 maalmood.
Waxaan rajeyneynaa in dadku fahmaan halista xaaladda dalku ku sugan yahay oo ay u hoggaansamaan shuruucda, qawaaniinta iyo tilmaamaha hadda jira, ”ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Gunnar Fløystad ee Degmadda Booliska Galbeedka.
Somaliska Oslo
Waxaa Turjumay Somaliska.com
Xigasho/norwaytoday