Home Wararka Maanta Norway Falal dhac ah oo laga geestay Galbeedka Caasimada Oslo

Norway Falal dhac ah oo laga geestay Galbeedka Caasimada Oslo

0
Oslo 20181209. Stortinget og løven i Oslo. Foto: Gorm Kallestad / NTB scanpix

Labada dhacdo tan hore waxaa loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo laga dhacay alaabo badan agagaarka vinderen, sida booliisku uu sheegay dadka la dhacay waxaana loogu hanjabay in torey lagu mudi doono.

Daqiiqado uun kadib ayey booliisku sheegeen in markale uu dhac ama boob hubays ah uu ka dhacay xaafadda Majorstuen ee magalada Oslo. Waxaa la sheegay in labada falba lo gaystay wiilal 15 sano jir ah siden uu tabiyey NRK .

Labada dhacdo ayaa isku xeelad iyo hab loo isticmaalay.

– Falalkan boobka ahi waxay ka dhaceen suuqa Vinderen Torg iyo wadada Valkyriegata ee Majorstuen, ayuu yiri madaxa howlgalada booliska Vidar Pedersen oo u waramayey NRK.

ragga dhacaan gaystay ayaa lagu tilmaamay da’da 16 ama 17 sano. Labo ka mid ah ayaa la sheegay inay afrikan yihiin halka labada kale lagu lagu sifeeyey inay asal ahaan kasoo jeedaaan bariga dhexe.

Waxaa kaloo la soo wariyey dhacdo saddexaad oo ka dhacay isla deegaanka Vinderen.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here