Home Wararka Maanta Norway:- Dowlada oo war kasoo saartay Xaalada Coronavirus xili lasoo bandhigay Tirada...

Norway:- Dowlada oo war kasoo saartay Xaalada Coronavirus xili lasoo bandhigay Tirada halka ay mareyso

0

Dowlada Norway oo si adag ula tacaaleysa Xaalada Caabuqa Corona ayaa war ay soo saartay ugu baaqday Shacabka Norway in ay kalsooni ku qabaan Dowladooda iyo habka ay ula tacaaleyso Covid-19.

Warbixin ay soo saartay Laanta Caafimaadka Norway ee ku aadan Tirada uu ku dhacay Caabuqa ayaa lagu sheegay 1987 Qof halka Dhimashada ay gaartay 7 qof oo kaliya waana tiro ka yar Dalka Sweden oo maraya 16 Qof.

Dhanka kale Magaalada Olso waxaa socda Qorshe Dawada wMalaariya loogu tijaabinayo Cudurkan waxaana sidan oo kale horay looga bilaabay Dalka Denmark inkastoo wax natiijo ah laga soo saarin.

Ugu danbeen Xaruumaha Waxbarasho iyo kuwa kale ee Bulshada Norway ayaa xiran waxana Dowlada shaaca ka qaaday in ay xirnaanayaan ilaa amar danbe

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here