Home Wararka Caalamka Nin Falastiini ah ayaa ka sheekaynaya sida isaga iyo tobanaan kale loo...

Nin Falastiini ah ayaa ka sheekaynaya sida isaga iyo tobanaan kale loo qabtay dharkana looga dhigay

0

Nin Falastiini ah oo 22 jir ah ayaa ka sheekeeyay sida ay isaga iyo tobanaan kale u xidheen Ciidamada Difaaca Israa’iil ee ku sugan Waqooyiga Qaza Khamiistii.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday dhacdadan ayaa aad ugu baahay baraha bulshada.

Muuqaalkan oo ay xaqiijisay BBC-da ayaa muujinaya tobanaan rag ah oo laga siibay dharka, dhulkana jilbaha loo dhigay waxaana ilaalinaya askarta Israa’iil.

Raggan ayaa loo malaynayaa in lagu qabtay Beit Lahia, oo ku taal waqooyiga fog ee marinka Qaza.

“Waxay nagu qasbeen (IDF) in aan dhex fadhino waddo muddo ku dhow saddex saacadood, ka dib waxaa noo yimid gawaari waaweyn, gacmaha ayay naga xireen indhahana way noo duubeen, meel aan la garanayn ayay na geeyeen,” ayuu yiri wiilka dhallinyarada ah oo BBC-da khadka taleefoonka ugu sheegay, isagoo codsaday inaan la shaacin magaciisa ammaankiisa awgii.

Muuqaalkan, ayaa waxaa laamiga taagan rag aad u fara badan oo u muuqda in lagu yiri iska bixiya kabaha, kuwaasi oo daadsan hareeraha wadada.

Askarta Israa’iil iyo baabuurta gaashaaman ayaa dul jooga oo ilaalinaya.

Sawirro kale ayaa muujinaya raggan oo lagu daabulay gawaari dagaal. Warbaahinta Israa’iil ayaa ku tilmaantay raggan in ay ahaayeen dagaalyahanno Xamaas ah oo isa soo dhiibay.

Markii ay gaareen halkii ay u socdeen, ninka dhalinyarada ah ayaa sheegay in si aan kala sooc lahayn loo doortay si su’aalo loo weydiiyo, isla markaana wax laga weydiiyo xiriirka ay la leeyihiin Xamaas.

Sawir kale – oo aysan BBC-du weli xaqiijin – ayaa muujinaya rag indhaha ka xiran, oo jilba jooga wax u muuqda god weyn oo ay cagafcagaf qodday.

Sida uu tilmaamay 22-jirka ayaa tan la mid ah. Waxa uu tilmaamay in isaga, Aabihii, Walaalkiisa iyo Shan Wiil oo uu adeer u yahay la geeyey goob Bacaad ah.

Wuxuu sheegay in halkaas looga tagay iyagoo qaawan balse la siiyay buste habeenkii.

Su’aalo la weydiiyey kadib, waxa uu sheegay in la geeyey meel aan la garanayn oo si fudud loogu sheegay inuu guriga aado.

“Dhammaanteen way na soo daayeen, marka laga reebo aabbahay iyo curadka adeerkay. Aabahay wuxuu u shaqeeyaa hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee (UNRWA), ma garanayo sababta ay u kaxaysteen,” ayuu yidhi.

“Waxaan ku soconnay kabo-la’aan waddada iyadoo mugdi ah, waaddyinkana ay ka buuxaan dhagaxyo iyo quraarado jajabay.”

Falastiini labaad, Mohammed Lubbad, oo ku nool Belgium-ka, ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay waxa ku dhacay walaalkii, kaas oo lala xidhay 10 xubnood oo kale oo hal qoys ah.

Wuxuu goobaabin galiyey wajiga walaalkii Ibraahim oo ku dhex jiray koox rag ah oo dhammaantood feedho qaawan, oo gaadhi gadaashiisa saaran ,wuxuuna ku qoray: “Kani waa walaalkay”.

Maxamed ayaa markaas aqbalay inuu la hadlo BBC-da.

“Walaalkey Ibrahim oo ah Injineer Kombuyuutar ayaan kala hadlay muuqaal WhatsApp-ka labo saac ka hor inta aysan kaxaysan,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in walaalkiis uu dhalay labo gabdhood.

“Waxa uu ii sheegay in gurigayaga iyo dhammaan tuulada Beit Lahia ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Israa’iil.

“Laba saacadood ka dib, waxaan arkay muuqaalka la soo dhigay baraha bulshada, waxaan isla markiiba gartay walaalkay, waxaan sidoo kale aqoonsaday qaar ka mid ah dadka dariska nala ah.”

Maxamed waxa uu sheegay in dhammaan qaraabadiisa la sii daayey marka laga reebo laba nin oo ay ilmo adeer ahaayeen — Axmed Lubbad, 35 jir ah, macalin iyo aabe afar carruur ah leh, iyo Ayman Lubbad, oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ahna aabbe leh saddex carruur ah.

Maxamed waxa uu sheegay in qoyskiisu ay ahaayeen “shacab aan waxba galabsan oo aan wax ciidan ah ku jirin”.

Mid ka mid ah qaraabada mid ka mid ah ragga la xiray ayaa BBC u sheegay in 400 oo nin la xiray, 250 ka mid ahna la sii daayay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here