Home Wararka Maanta Nastexo Maxamed ” Hadii aad rabto Nadaam Qabiil ku laabo Dalkaaga Hooyo...

Nastexo Maxamed ” Hadii aad rabto Nadaam Qabiil ku laabo Dalkaaga Hooyo ( Hadalkii dooda abuuray )

0

Sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha Dalka Sweden uu uu ku jiro Talafashinka Dowlada Waxaaa dhawaan Muuqaal lagu baahiyay barta Facebook kasoo muuqatay Nastexo Maxamed oo 22 sano jir ah kana soo jeeda Dalka Somaliya taasi oo ku nool Magaalada Börlange hadalkeedaasi oo dood ka dhex abuuray bulshada somalida ee ku nool wadanka Sweden.

“Haddii aad rabto inaad ku noolaato nidaamka qabiilka oo aad dumarka dulmiso, waxaad aadi kartaa Soomaaliya oo aad sameyn kartaa, laakiin halkan maya ” waa sida ay Nastexo ku baahisay muuqaal ay soo dhigtay barta Facebook.

Gabadhan dhalinyarada ah ayaa todobo sano ka hor ka timid dalka Sweden Sweden. gaar ahaan Magaalada Borlänge halkaasi oo ay ku aragtay qaab dhismeed la mid ah kii dalka Somaliya sida ay sheegtay.

Nastexo Maxamed waxay dhigatay iskuul gudaha Sweden waxeeyna bartay in qofwalba uu siman yahay oo dumarka iyo raggu ay isku xuquuq yihiin, laakiin waxay sheegaysaa in caburinta
haweenka Soomaaliya ay sidoo kale kajirto magaalada Borlänge.

muuqaal ku baahay Facebook ayaa la arkayay Natexo oo ooneysa . Wargeyska maxalliga ah ee Dalarna ayaa isna daabacay.

sheekadeeda ayaa dhalisay falcelin adag oo ka dhex jirta dadka raacsan Qaarkood waxay yiraahdeen waxay ceebeysay dadka somaliyed halka kuwa kale ay taageersanyihiin

Si kastaba ha noqotee, Nastiho, oo xubin ka ah Ururka Dhallinyarada ee Centerpartiet, ayaa sheegtay in ujeedkeedu uusan ahayn, taas oo muujinaysa inay doonayso inay abuurto dood furan oo ku saabsan qaababka muxaafidka ah ee ka dhex jira dadka qaarkood.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here