Home News in English Nasteho” Waxaa leegu Hanjabay Dil Sidaasi Darteed Waan iskaga haray Doorashada Sweden”

Nasteho” Waxaa leegu Hanjabay Dil Sidaasi Darteed Waan iskaga haray Doorashada Sweden”

0

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay, Nasteho Mohamed, oo 23 jir ah, ayaa ku caanbaxday geesinimadeeda Sweden, markii ay ka soo horjeesatay wax ay ugu yeertay “Dhaqanka qabiilka” iyo “cadaadiska haweenka” ee Swedishka asalkoodu yahay Soomaalida.

Nastehew waxa ay aad uga firfircoonayd xisbiga Centerpartiet, balse xalay waxa ay ku dhawaaqday in ay isaga baxday tartanka doorashada baarlamaanka, ka dib markii loogu hanjabay in la dili doono, iyada oo baraha bulshada ku qortay, “Ma noqon karo dhaqdhaqaaq siyaasadeed.”. Sida laga soo xigtay Expressen.

Gabadhan dhalinyarada ah ayaa muran weyn ka dhex abuurtay dadka Swedishka ah ee asalkoodu Soomaaliga yahay kadib muuqaal ay Facebook-ga soo dhigtay sanadka 2020-ka, kaasoo ay ku tiri, “Haddii aad rabto inaad ku noolaato nidaamka qabiilka oo aad dumarka dulmiso, waxaad aadi kartaa Soomaaliya laakiin halkan maaha.”

Gabadhan ayaa Sweden timid muddo haatan laga joogo 8 sano. Waxay u aragtaa in gobolka Börlinga ee ay ku nooshahay uu ka jiro qaab qabiil oo la mid ah kii dalkii ay ka tagtay, iyadoo xustay in dulmiga lagu hayo haweenka Soomaaliyeed uu sidoo kale ka jiro Borlinge.

Hadalkaas waxay ka dhashay falcelin xooggan taageerayaasha dhexdooda. Qaar ayaa sheegay in ay ceebaynayso somalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here