Home News in English Muhammed Abdul Rahman oo lagu Xukumay Musaafurin iyo Xukun Xabsi

Muhammed Abdul Rahman oo lagu Xukumay Musaafurin iyo Xukun Xabsi

0
Photo/TT - POLIS

Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa xabsi daa’in iyo masaafurinta ku xukuntay Wiil 24-sano jir ah oo lagu magacaabo Muhammed Abdul Rahman, kaddib markii uu dil u geystay nin 56 jir ah oo ku sugnaa magaalada Eksjö, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Sannadkii 2017, isla Ninkan ayaa lagu xukumay toban sano oo xadhig ah gudaha Boqortooyada Ingiriiska, saddex fal oo tuuganimo ah iyo laba afduub.

ka dib saddex sano oo uu ku jiray xabsi British ah , ayaa dib loogu celiyay waddankiisii ​​Nederland, si uu ugu dhameysto inta ka hartay xukunkiisa.

Si kastaba ha ahaatee C/raxmaan waxaa u suurtagashay in uu u baxsado dalka Sweden, waxaana labo todobaad kadib markii uu dalka yimid uu nin dil ugu geystay gurigiisa oo ku yaala magaalada Eksjö kadib markii uu dhowr jeer toorey ku dhuftay, sida uu qoray wargeyska Expressen .

Markii uu falkaasi sameeyay ayaa waxaa dhacday in wiilka dhalinyarada ah uu ku baxsaday gaarigii uu la socday, balse gaariga ayaa galay shil gaari, taasi oo u suuragashay ciidamada Booliska inay ogaadaan ninka falkan geystay, kaasi oo heysta alaab uu guriga ka dhacay.

Mohamed Abdel-Rahman ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay wuxuuna ku andacoonayaa inuu isdifaacayay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here