Home Wararka Maanta Mudo bil ah oo dib loo dhigay soo gudbinta Sharciga Cusub ee...

Mudo bil ah oo dib loo dhigay soo gudbinta Sharciga Cusub ee soogalootiga Sweden

0

Sweden ayaa xagaaga xiga ee 2021 waxaa wakhtigiisu uu dhacaya sharci ku qotoma xagga socdaalka ku meel gaar ahaa kaasi oo soo bilowday sannadkii 2016.

Sida uu qabo heshiikii janaayo , sharcigaasi ayaa waxaa lagu bedelaya mid cusub oo uu soo diyaariyay guddi ka kooban 8 xisbi ee baarlamanka ku jira.

Howl socotay muddo sannad ah ka dib, guddiga ka kooban sideeda xisbi ayaa lagu waday shalay in ay u soo gudbiyaan wasiirka caddaalada qoddobada sharciga balse ma aysan suuragelin. Wadaxaajood wakhtigiisa uu dheeraaday ka dib, waxaa imminka lagu daray muddo bil ah wadahadalka soo diyaarinta sharciga cusub ee socdaalka.

Dhammaan xisbiyadda ayaa isku maandhaafsan qoddobada sharciga cusub balse arrinka xiisaha leh ayaa waxuu yahay labada xisbi ee imminka wadaaga ku ah dowladda dhisan, Sooshaalka iyo Miljöpartiet ayaa qudhooda ku kala aragti duwan.

23 ka mid ah 26 qoddob, ayay labadda xisbi ugu kala codeeyeen si kala duwanaansha ah.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa qoddobka la xiriira isu geynta ama mideynta qoysaska kala maqan ee imminka xisbiyada kale sharuudihiisa aad u adkeeyeen,  waxuu u arkaa mid ka fog bina aadanimada. Waxuu sidoo kale, xisbiga u arkaa in sharciga deganaanshaha ku meel gaarka ah in uu yahay mid dhibaato ah.

– Sharuucda mideynta qoysaska micnahiisu waxa uu yahay in qoysaska da’da yar aan la isku keeni karin, in qaxootiga hbtq ee aan kula noolaan karin lamaanahooda dalka ay ka soo qaxeen in ay sidoo kale kula noolaan karin Sweden. Dadka waxaa loo diidi doonaa adeeg caafimaad sharciga deganaanshaha ku meel gaarka ah dartiisa, ayay tiri,  Annika Hirvonen Falk oo ka tirsan (MP).

Xisbiga M ayaa isana ku qanacsaneen qodoobada 26 ka qaar ka mid ah gaar ahaan qoddobada la xiriira isu keenida qoyaysaska iyo sharciga deganaanshaha joogtada, sida uu soo qoray wargeyska DN.

Xisbiga Liberal-ka ayaa isbedel ku sammeeyay aragtidiisa isu keenida qoysaska waxuuna imminka doonayaa in la yareeyo tirada dadka laga deynayo sharuuda masruufka ee qoysaska la isku keenayo.

Jonas Andersson oo ka tirsan  xisbiga SD oo u coddeeyay sideed ka mid ah qoddobada ayaa sheegay in rajada aysan weyneen maadaama labaddii xisbi ee dowladda ka koobneed ay keliya isku raaceen wax ku dhow labo qoddob keliya.

Photo Marcus Ericsson/TT

Somaliska Stockolm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here