Home Wararka Maanta Miyey Kicidoonaan Kirooyinka Guryaha Gaar ahaan Qiimaha Lacagta ee Sanadka 2021

Miyey Kicidoonaan Kirooyinka Guryaha Gaar ahaan Qiimaha Lacagta ee Sanadka 2021

0

Sweden waxaa ka jira wada xaajood u dhaxeeya Ururka Kireestayaasha Guryaha iyo Shirkadaha iska leh Guryaha taasi oo ku aadan qiimaha guryaha.

Sanadka 2021 ayaa laga cabsi qabaa in qiimaha guryaha in ay saro u kacaan waxana labada dhinac ay ka hadlayaan sidii Sanadka Cusub aanan isbadal loogu sameenin kiradaha Guryaha.

Marie Linder, oo ah madaxa ururka kireystayaasha ayaa tiri: “Waa in aysan jirin koror ballaaran oo ku yimaada kirooyinka, maxaa yeelay tan micnaheedu waa arrin aad muhiim ugu ah dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka kadib faafitaanka Corona.

Margarita Björkwald, madaxa wadaxaajoodka ee ururka qaran ee kireystayaasha, ayaa xaqiijisay in arrimuhu si wanaagsan ugu socdaan milkiilayaasha.

Xaalada Guryaha ee Dalka Sweden ayaa ah kuwa adag marka la eego safafka loo galo helitaanka guryaha iyadoo la filayo Sharci dhigaya in Shirkadaha Guryaha ay qiimo walbo ka dhigi karaan guryaha inkastoo wali sharciga uusan dhaqan galin.
Somaliska Stockholm
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here