Home News in English Migrationsverket ” Qatar ayay ugu jiraan Musaafurin shaqaalaha aqoonta leh ee soo...

Migrationsverket ” Qatar ayay ugu jiraan Musaafurin shaqaalaha aqoonta leh ee soo galootiga ”

0
Foto: Henrik Montgomery/TT

Maamulka socdaalka ayaa dhaleeceeyay hindisaha cusub ee sharciga socdaalka. Jawaabta ay ka bixisay soo jeedinta, waxay hay’addu ka fiirsatay in shaqaalaha aqoonta leh ee soo galootiga ah ay qatar ugu jiraan musaafurin hadii ay awoodi waayaan inay buuxiyaan shuruudaha luqada iswiidhishka iyo aqoonta bulshada Sweden.

Agaasimaha Guud ee Adeegga Socdaalka, Michael Repinvik, ayaa u sheegay maanta ECOT in soo-jeedinta ay dejineyso shuruudo loogu beddelayo deggenaansho ku-meel-gaar ah deggenaansho rasmi ah, taas oo horseedi doonta luminta shaqaale xirfad leh.

Maamulka ayaa dalbaday in shuruudo badan la qeexo iyo in dadka la siiyo waqti dheeri ah oo ay xaaladahooda cusub kula qabsadaan kahor intaan la hirgalin soo jeedinta.

Wuxuu intaas ku daray in soo jeedintan ay horseedi doonto xaalado adag haddii la hirgaliyo isagoo xusay inay kordhin doonto cadaadiska ay Hay’adda Socdaalku ku wajahayso kordhinta sharciyada deggenaanshaha ayna adkeyneyso nidaamka maadaama ay ku soo rogayso deggenaasho kumeelgaar ah oo ah sharciga ugu weyn ee wax looga qabanayo arrimaha socdaalka iyo magangelyada

Gudiga Socdaalka Baarlamaanka ayaa gudbiyey bartamihii September warbixin ku saabsan siyaasadda magangelyada. Waxay awoodi wayeen inay soo bandhigto soojeedin dhammaystiran oo ku kasbato taageerada aqlabiyadda xisbiyada

Soojeedimaha ugu weyni waxay ahaayeen in deganaansho kumeelgaar ah laga dhigo aasaas aasaasi ah oo looga baaraandego codsiyada magangelyo doonka, iyadoo ay suuragal tahay in saddex sano kadib loo beddelo mid joogto ah haddii la buuxiyo shuruudaha luqadda, aqoonta bulshada Iswiidhishka iyo awoodda taageerada. Soo-jeedinta ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa in loo adeegsado shuruudaha kiisaska mideynta qoyska

Somaliska Stokcholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here