Home News in English Migrationsverket-ka Sweden oo Cadeeyay Sharuudaha Qoysaska leesku Keenayo Sida, Guriga, Shaqada iyo...

Migrationsverket-ka Sweden oo Cadeeyay Sharuudaha Qoysaska leesku Keenayo Sida, Guriga, Shaqada iyo Dhaqaalaha

9

iyadoo 20 bishan uu dhaqan galay sharci cusub oo dhanka socdaalka la xiriira waxaa sharcigaasi kamid ahaa mideynta Qoysaska si qofka loogu keeni Qoyskiisa Caruur, ama lamaane intabaha.

Hay’ada Socdaalka u qaabilsan Sweden ee Migrationsverketka ayaa cadeesay sharuudaha ku horgudban qofka doonaya in loo keeno qoyskiisa.

inta aanan warbixintan gudaha galin waxaa naga xasuusin ah in qeybta hoose aad nagu waydiin kartaan su’aalaha.

si qoyskaaga laguugu keeno waxaa qasab ah in aad buuxiso sharuudaha soo socda kuwaasi oo muhiim ah ama qasab ay tahay in aad dhameestirto si qoyskaaga laguugu keeno.

Sharuudaha

Qofka doonaya in uu keeni qoyskiisa waa in uu heestaa

Sharcigana Deganaanshaha rasmiga ama midka ku meel gaarka ah.

Waa in uu dhaqaalo ahaan ku filanyahay qoyskiisa isla markana uu masruufi karaa noloshooda.

waa in uu heestaa Guri lakin maahan qasab in guriga uu yahay mid uu isaga gacanta ugu horeeso ka yahay.

kaliya waxaa muhiim ah in shirkadaha guriga ay ogtahay heshiiska guri uu qof kale kugu wareejiyay waxa loo yaqaano gacan labaad.

Fiiro gaar ah Caruur hadii aad heysato guriga waa in uu Qolkiiba seexan karaan labo caruur ah taas oo la ogolyahay.

markaasi Codsigaaga waad dalban kartaa.

Dhaqaalaha lagaa rabo.

lacagta qofkii ku haboon waa 5,016 kr

lamaanaha wada dagaya 8287 kr

Caruurta 6 sano jirka ah 2662 kr

7 sano jirka midkii 3,064  kr

Sharuudaha guryaha ayaa laga reebay Dadka

Dadka sharciga helay ee 3 bilood gudahooda dalbanaya codsiga.

Qofka ka yar 18 sano jir.

Qofka lagu keenay qaxooti ahaan 3 bilood gudahooda.

hadii aad heysato dhalashada sweden qofka aad keeneysanaya aad mudo dheer is qabteen.

hadii aad la midoobeyso Xaaskaaga oo Caruur kuu heysa lakin sida ku xusan migrationsverketka tani waxaa qiimeenaya laanta socdaalka hadii ay u aragto in laguu keeni karo.

Somaliska Stockholm

 

 

AD

9 COMMENTS

  1. asc sxb waad mahadsantahay warka muhiimka aad soogudbisay intaas kadib sxb wax war ah ama akhbaar ah ma uhaysaa dadka inbadan joogay oodiidmada haysta oo ciyaal ujoogaa wadan ka taas warkeeda noo faahfaahi adiga ooraali ah

  2. Asc hadaan caruur aan isku hayno xaaskayga shurudaha shaqad iyo wixii lamida meesha may ka baxayan madam ay lee yihiin magryion ka eegaya oo dib u eegaya mid I fahan sii wll shukran

  3. su aal qabaah qofka haysta dhalashada swedhan oo kenayo qof isqabaan lakiin ilmo isku dhalin somalina ah war iga siiya taasne tack

  4. Asc Dad Waxa aqana waxas Oo dhan hestan ee lagugu diday bes somalinimadada ma aqonsanin xiita passporka Somaliya iyo waraqadaha u kenay aya Waxa lagu dhahay ma aqonsanin. Marka safirka Somaliya ee Stklm u fadhiyo haa lagu bananbax mesha ayu isla fadhiya dacaadi

  5. aniga waxaa diidmo laiga siiye xaaskeyga iyo wiil aam dhale oo 12 jir mudo 11 sano aan jooge sweden 4 caruur ayaan wat oo xaaskeyga ii dhashe tiro ka sadex jeer ayaa diidmo la isiiye lagabilabo sanadkii 2013 ilaa 2017 anoo shuruidahas oodhan kasoo baxe hadaba sharciga ma ikhuseya aniga oo madalbankara markii afaraad intaas iga jaahil bixiya

  6. Walal hadii Sweden qofka jooga uu ka yaryayahay 18jir dadka loo keenayana sidoo kale ay ka yaryihiin maxay tahay shuruudooda

  7. Wll codsi hore oo didmo la i siiyey maxkamada malmo geyey ay u gudbisey maxkama sare ee stockhlom tan stockhlom ay ku celisey migratioveketka tidhina guri ayaa lagaa dooni gurigiina hada ayan heley maxan sameyaa ma dacwad cusub mise

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here