Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo Sweden u arka Dal looga dayan karo Xaquuqda Caruurta

Midowga Yurub oo Sweden u arka Dal looga dayan karo Xaquuqda Caruurta

0

inta lagu guda jiray Xaalada Corona Wadamada badan oo Caalamka waxay xireen iskuulada waxaana ku jira qeybta lagu xanaaneeyo Caruurta yar yar lakin Dalka Sweden waxa uu qaatay go’an ah in caruurta ay aadaan goobaha xanaanada si aysan makixiyan dhibaato u soo gaarin.

Baaritaan lagu sameeyay 24 Caruur ah oo ku nool wadamo kala duwan ayaa muujineysa dhibaatada caruurta ay kala kulmeen go’doominta lagu sameeyay iyo goobaha laga xiray marka laga reebo sweden.

Goobaha laga xiray Caruurta waxaa ka dhalan kara in Caruurta soo gaarto xanuun dhanka Maskaxda ah. in ay dareemaan in la tikooray iyo wal wal soo wajaho.

Dalka Sweden oo noqday Dalka kaliya ee Caruurta u ogolaaday in ay tagaan Goobaha Xanaanada ayaa muujineysa in Caruurta Swidhishka ay saameen yar soo gaartay marka loo eego kuwa kale ee Wadamada Yurub.

Sweden ayaa meelo badan ku heshay amaan halka dhinacyo kale ay dhaliil uga timid sida habka ay ula tacaashay xanuunka Corona mudada uu aadka u socday.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here