Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo Adkeeyay Visaha (Schengen) ee la siiyo Muwaadiniinta Somalia

Midowga Yurub oo Adkeeyay Visaha (Schengen) ee la siiyo Muwaadiniinta Somalia

0

Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay tallaabooyin ka dhan ah dal ku galka la siiyo muawaadiniinta Soomaaliya.

Ujeedada talaabooyinkan ayaa ah in Soomaaliya culeys lagu saaro in dib loogu soo celiyo dadka aan waddada saxda ah ku gelin dalalka Midowga Yurub.

Goluhu waxa uu u baahan yahay baa lagu yiri warbixintaan, “inuu ansixiyo soo jeedinta ka hor inta aan la soo bandhigin qorshahaan”.

Soo jeedinta Guddiga Midowga Yurub ayaa waxaa ka mid ah in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliya.

Soo jeedinta noocaan oo kale ah ayaa la soo bandhigay iyadoo la isku dayayo in la xoojiyo sidii wada jir looga shaqeyn lahaa dib u soo celinta dadka aan hannanaka sharciga ah ku joogin dalalka Midowga Yurub, sida lagu daabacay barta internedka ee SchengenNews.

Qoraalka rasmi ah oo Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in dhawaan loo soo jeedin doono Midowga Yurub, tallaabooyinka Soomaaliya laga qaadayo, kadibna dalalka xubnaha ka ah ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan waxa la sameynayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here