Home News in English Mideynta Qoysaska oo loo fududeenayo Muwaadiniinta Sweden ee isku dacwoonaya

Mideynta Qoysaska oo loo fududeenayo Muwaadiniinta Sweden ee isku dacwoonaya

1

Wasiirka socdaalka iyo cadaalada Morgan Johansson wuxuu sheegay inuu sameyn doono wax walba oo karaankiisa ah si loo hubiyo in waqtiyada laga baaraandegayo codsiyada mideynta qoysaska Sweden la fududeeyo.

tani ayaa muujineysa in dowlada ay ka fiirsaneyso soo jeedinta soogalootiga ee qoysaska awood u siineysa inay codsadaan deganaansho looga helo Iswiidhan dhexdeeda. Sida ay sheegtay idaacada Sweden.

Sharciga kumeelgaarka ah ee soogalootiga ee ay Iswiidhan codsatay muddo shan sano ah ayaa ku adkeynaya dadka Iswiidhishka ah ee dibadda jooga inay u guuraan Iswiidhan iyaga iyo saaxiibkood ajnabiga ah iyo qoysaskooda.

Qofka maanta doonaya in uu dacwad u sameeyo Qoyskiisa ama Nolo wadaagiisa waxaa qasab ah in uu dabari karo noloshooda tusaale in uu heesto Guri iyo Shaqo lakin fududeynta ayaa ah in sharuudaha meesha laga saaro.

Kuwo badan ayaa lagu qasbay inay si gooni gooni ah u noolaadaan in ka badan hal sano sababo la xiriira shuruudaha mideynta qoyska iyo waqtiyada howsha dheer.

Gudiga socdaalka waxay soo jeediyeen in la tirtiro shuruudda horyaala qoysaskooda, laakiin ururada Sweden qaar waxay aaminsan yahay in tani aysan ku filneyn waxayna dalbanaysaa in qoysasku awoodaan inay ku noolaadaan Sweden inta lagu jiro howsha degenaanshaha.

Su’alaha aad iswediin karto

Maku jiraan Dadka ajaanibta kale dabcan sharciga waa loo wada siman yahay isbadalka hadii uu dhaco waxaa sabab u ahaa dadka dhaladka ee swidhishka oo sharcigan saameyn ku yeeshay dabcan hadii midka qoysaska iyo adkeentooda loo soo saaray dabcan midka la fududeenayo way ku jiri karaan ajaanibta kale.

Maxaa ugu weynhaa oo sharciga soo kordhiyay.

Waxaa jira Swidhish badan kuwaasi oo tagay wadamo kale halkaasi oo guur iyo nolol ku soo sameeyeen lakin dib u soo laabashadooda waxaa adkaatay in qofka nolol wadaaga yihiin loo ogolaado imaatinka halka ama helitaanka deganaansho.

Fiiro Gaar ah Wax Walbo waxay kala cadaanayaan marka Sharciga hada jira la tirtiro oo dib loo soo celiyo kii hore ee ahaa in sharuud la’an qofka loo keeno ehelkiisa.

Qofka maanta doonaya in uu dacwad u sameeyo Qoyskiisa ama Nolo wadaagiisa waxaa qasab ah in uu dabari karo noloshooda tusaale in uu heesto Guri iyo Shaqo lakin fududeynta ayaa ah in sharuudaha meesha laga saaro.

AD

1 COMMENT

  1. Asc Wrb
    Waa shurudo adag wayo Iswiden wahu ahan jire wadamada ugaa fudud lesku keno hadana waheey noqote midaa ugaa dhibka badan kenitan hada ladhaho waxan rajehena hädan nahay qooska kunol Iswiden oo hädan korsad carurtoda in lafudu deyo wayo qof kaas gua,aanka kagari arimahan asaga maa ogolan lahaay in sidaas lagu sameeyo jawabta waa maya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here