Home Wararka Maanta Meydkiisa ayaa laga helay Sariirta Hoostiisa Xili la Xaraashayay Gurigiisa

Meydkiisa ayaa laga helay Sariirta Hoostiisa Xili la Xaraashayay Gurigiisa

0

Qeybta Dowlada u qaabilsan Xalinta deymaha ee Kronofogden ayaa heshay Nin Meyd ah markii ay tageen gurigiisa oo ku yaalla Kortedala.

Ninkan ayaa meydkiisa laga helay Sariirta Hoostiisa mudo labo sano uu ku jiray halkaasi.

Ogaanshaha ninkan ayaa timid markii shirkada Deymaha ee Kronofogden ay gaartay guriga si ay u biiso madama deyn lagu lahaa.

Shirkada ayaa qorsheeneysay in ay diyaariso guriga madama dad badan soo dalbadeen inay guriga iibsadaan.

Falkan ayaa noqday mid warbaahinta gudaha ee Gotenborg ay aad uga waramaan.

Kronofogden ayaa caadiyaan la wareegta hantida qofta lagu leeyahay deymaha si ay lacagtaasi ugu kabaan lacagta horay qofka looga bixiyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here