Home Wararka Caalamka Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo laga helay Xaafada Nacka

Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo laga helay Xaafada Nacka

0

Booliiska dalka Sweden ayaa shalay shaaca ka qaaday inay meel bannaan ah ka heleen wiil yar oo meyd ah oo ku dhintay agagaarka Orminge ee degmada Nacka.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan dilka.

“Haddii aadan si degdeg ah u ogaan karin sababta qof meyd ah loogu helay dibadda, waxaan u baahannahay inaan baaritaanno sameyno, waxaana billaabi doonnaa baaritaanno horudhac ah,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Tawi Hag.

Baadhitaano ay sameeyeen Booliska ayaa lagu ogaaday, xalay, in dhacdadu tahay dil.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa helay dad wadada marayay oo ku wargaliyay booliska.
Ehelada dhibbanaha ayaa lagu wargeliyay dambiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here