Home Wararka Caalamka Maxkamadeynta Qoys ku Nool Eskilstuna oo lagu Amray Bixinta 433 kun Kr

Maxkamadeynta Qoys ku Nool Eskilstuna oo lagu Amray Bixinta 433 kun Kr

0

Qoys ku nool Magaalada Eskilstuna ayaa lasoo saaray Maxkamad kadib markii lagu helay inay Khiyaameeyeen lacag gar-gaar oo ay ka dalbeen Kamuunkooda Sida uu baahiyay Expressen.

Xukunka Qoyska ayaa noqday dib u soo celinta lacag gaareysa 433 kun oo Krone kadib markii lagu sameeyay Xisaabin.

Sida warbixinta ku cad Qoyska ayaa lagu helay khiyaano ah Safaro badan ay ugu baxeen dalka dibadiisa iyo lacago dheeri ah oo lagu arkay bangiyada ay lahaayeen.

inta Xukunka socday ayaa Qoyska loo sheegay inay lacagta ku bixin-karaan qaab yareyn ah sida 1000 kr oo bishii ah mudo 36 sano ah.

Aabaha Qoyska ayaa soo dhaweeyay xukunka isagoo sheegay inuu lacagta sidaasi ku bixinayo lakin Simon Brunner oo ka tirsan kooxda degmada ayaa kasoo horjeestay hanaanka lacag bixinta.

Qoysas badan oo ku nool dalka Sweden ayaa qaata lacagaha gar-gaarka xili ay dalka ka maqanyihiin taasi oo ah dambi weyn oo keeni karta in lagu soo dalaco lacago dheeri ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here