Home Wararka Caalamka Maxkamadda Midowga Yurub oo Dowlada Belguim ku dhaliilay Musaafurinta Qaxootiga u dhashay...

Maxkamadda Midowga Yurub oo Dowlada Belguim ku dhaliilay Musaafurinta Qaxootiga u dhashay Suudaan

0
© WikiMedia (CherryX)

Maxkamadda Yurub ee Xuquuqul Insaanka ayaa xukuntay Salaasadii in Belguim ay ku xad gudubtay xuquuqda qaxooti Suudaan ah markii ay tarxiilisay nin Sudan u dhashay iyada oo aan marka hore la qiimeynin halista xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee uu la kulmi karo haddii uu ku laabto Suudaan.

25-jirka reer Suudaan ee qaxootiga ah, oo kaliya magaciisa lagu soo koobay MA, wuxuu si sharci darro ah ku soo galay dalka Belgium isagoo ujeedkiisu ahaa inuu u sii gudbo Boqortooyada Ingiriiska Waxaa joojiyay booliska Beljam magaalada Brussels 18 Ogosto, 2017, waxaana loo wareejiyay xarun lagu hayo dadka muhaajiriinta ah halkaas oo uu ka codsaday magangalyo isaga oo aan ka helin caawinaad iyo turjubaan.

Codsigiisa, MA wuxuu ku sheegay inuu ka soo qaxay Suudaan sababta oo ah waxaa doonayay maamulka Suudaan oo naftiisa u baqay.

MA wuxuu ku qasbanaaday in si dhakhso leh uga laabto codsigiisa, si kastaba ha noqotee, kadib markay ogaadeen in mas’uuliyiinta Beljamka ay u suurta galisay mas’uuliyiinta Suudaan inay la kulmaan qaxootiga Suudaan (oo uu ku jiraan MA) kuwaas oo si sharci darro ah ku soo galay Belgium iyagoo dadaal ugu jiray inay aqoonsadaan oo ay dib u celiyaan.

Kadib wuxuu codsi u gudbiyay maxkamada heerka kowaad ee Louvain, markan isagoo kaashanaya qareen. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Louvain ayaa soo saartay amar mamnuucaya in MA laga musaafuriyo Belgium ka hor inta aan go’aan laga gaadhin codsigiisa ah in la sii daayo. Hase yeeshe, mas’uuliyiinta Beljam waxay MA dib ugu celiyeen Khartuum (Suudaan) isla maalinta ku xigta inkasta oo amarku jiro.

Iyagoo cuskanaya dukumiinti ay saxiixeen MA, mas’uuliyiinta Beljam waxay sheegteen in MA ay si iskiisa ah ugu laabatay Suudaan. MA, dhanka kale, wuxuu sheegay in lagu cadaadiyey inuu saxeexo dukumintiga.

MA wuxuu sheegay in loo qaaday garoonka diyaaradaha halkaas oo uu kula kulmay nin labisan dareeska oo ugu hanjabay in xoog lagu wadidoono hadii uu diido inuu raaco diyaarada.

Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha ayaa Talaadadii xukuntay in masaafurinta ay ahayd mid sharci darro ah maxaa yeelay mas’uuliyiinta Beljam ayaa ku guuldareystay inay si sax ah u qiimeeyaan halista MA uu la kulmi karo marka uu laabato Suudaan.

Xukunka waxaa dib u eegay Amnesty International, oo si cad u cambaareysay 2017 masaafurinta MA. iyo 98 qaxooti kale oo Suudaan ah sanadkaas waxayna Belguim ku boorriyeen inay wax ka bedesho nidaamka ceyrinta.

Somaliska Beljamka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here