Maxkamadaha socdaalka oo go’aanada si kala duwan u gaara

44

Ka dib go’aankii maxkamada sare ee soo baxay bishii Januari 2012 ayay Laanta Socdaalku ku dhawaaqday in la fududeeyay mideynta qoysaska Soomaalida. Balse hada ayaa waxaa soo baxday in maxkamadaha Socdaalku aysan isku fikrad ahayn.

Tusaale ahaan maxkamada Socdaalka ee ku taala Stockholm iyo mida ku taala Malmö ayaa si kala duwan go’aan uga gaara kiisaska. Maxkamada Malmö ayaa la sheegay in aysan shuruud ku xirin dadka oo marba haddii arintu ku saabsantahay caruur iyo waalid Soomaaliyeed ay toos ugu soo celiso Laanta Socdaalka. Dhinaca kale, Maxkamada Stockholm ayaa si kale u fasiratay arinta oo qofka marka horeba ka doonaysa in uu cadeeyo in uu waalidka dhabta ah yahay ee caruurta, taasoo keentay in dadka inta badan ay diidmo siiso.

Xaakimyada ka hawl gala maxkamada Stockholm ayaa la sheegay in 3 meelood labo meel ay diidmo bixiyaan haddii uusan qofku cadeyn karin in uu caruurta masuul ka yahay, Malmö ayaa 3 meelood labo meel waxay bixiyaan ogolaasho. Arintaan ayaa ka yaabisay dadka maadaama go’aankii maxkamada sare uu ahaa mid iska cad isla markaana Laanta Socdaalka ay soo saartay dhaqan galin. Dadka arintaan haysato ayaa ah dadkii racfaanka ka qaatay go’aamadii hore ee kiisaskoodu ay yaalaan Maxkamada.

Muhiimada ayaa ah in qofka ku nool agagaarka Malmö ee racfaanka xareystay ay uga fududahay in la aqbalo kan Stockholm ku nool. Kala qeyb sanaanta Maxkamadaha ayaa cadeyn u ah baahida loo qabo in la helo sharci guud oo uu soo saaro baarlamaanka balse taas waa midii la joojiyay.

Dadka xareystay dacwada cusub ka dib go’aankii Maxkamada Sare ayaan iyagu u baahneyn in ay ka walwalaan arintaan balse haddii ay dhacdo in Maxkamad loo diro ayaa rajadu ku xirantahay halka aad ku nooshahay agagaarka Stockholm ama Malmö.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here