Home Wararka Caalamka Maxkamad ku taal dalka Belgian-ka oo xabsi ku xukuntay Nin dadka tahriibiya

Maxkamad ku taal dalka Belgian-ka oo xabsi ku xukuntay Nin dadka tahriibiya

0
Photo © Alastair Grant, AP

Maxkamad ku taalla dalka Belgium ayaa nin u dhashay dalka Vietnam ku xukuntay 15 sano oo xarig ah kaddib markii lagu helay inuu ahaa hoggaamiyihii ka ganacsiga 39 muhaajiriin ah oo meydkiisa laga helay gaari xamuul ah.

Vo Van Hong, oo 45 jir ah, ayaa lagu helay danbi ah inuu hogaaminayay hawlgal dadka lagaga ganacsado oo lala xidhiidhinayo gaadhi xamuul ah oo maydad ka buuxan laga helay dhul warshadeedka Ingriiska bishii Oktoobar 2019. 

Ugu yaraan 15 ka mid ah 39-ka qof ee dhintay ayaa soo maray shabakad ganacsi oo fadhigeedu yahay Belgian, taasoo ku shaqeysay laba guri oo ammaan ah oo ku yaal degmada Anderlecht ee Brussels oo loogu talagalay muhaajiriinta ku sii jeeda Britain .

Helitaanka 2019 ee meydka dadkan ayaa ahayd mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee soogalootiga ku lug lahaa sannadihii la soo dhaafay.

Dhibanayaasha, 31 rag ah iyo siddeed dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 15 iyo 44 waxay dhammaantood u dhasheen Vietnam, waxay u dhinteen neef-qabatin iyo hyperthermia meel xaddidan oo baabuur ah, oo ka timid doonta Zeebrugge.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here