Home Wararka Caalamka Maxaabiis jeelka maalmo laga fasaxay oo aan dib u soo laaban

Maxaabiis jeelka maalmo laga fasaxay oo aan dib u soo laaban

0

Booliska magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil ayaa baadi goobaya in ka badan 250 maxbuus oo ku guul darraystay inay dib ugu laabtaan xabsiga ka dib markii fasax gaaban loo siiyey inay qoysaskooda la soo ciidaan ciidda masiixiyiinta ee Kirismaska.

Maxaabiista ayaa la fasaxay maalintii kirismaska ka horreysay, waxaana la filayey in ugu dambayn ay dib u soo laabtaan 30kii Disembar 2023, 10:00 habeennimo.

Markii maxaabiista la sii deynayey waxaa laga furay calaamadda lagu garto ee looga xiro gacanta iyo lugta.

Inkasta oo inta badan 1,785 ee loo ogolaaday fasaxa gaaban ay dib u soo laabteen, in ka badan 250 ayaan soo laaban. Tirada maxaabiista soo laabtay ayaa lagu sheegay 1,530 maxbuus. Maxaabiistaas aan soo laaban waxaa hadda loo arkaa inay baxsad yihiin, waxaana daba jooga oo baadigoobaya ciidanka amniga.

Warbaahinta maxalliga ayaa sheegaysa in maxaabiistaas baxsadka ah ay ku jiraan ugu yaraan laba nin oo hogaamiya burcad khatar ah aad looga baqo.

Sharciga dalka Brazil sida uu dhigayo, maxaabiista qaarkood waxaa loo ogolaadaa in maalmaha fasaxyada muhiimka ah ee dalka ay guryahooda ku soo qaataan, oo qoysaskooda la soo ciidaan.

Si uu maxbuusku xaq ugu yeesho in fasaxaas gaaban la siiyo, wuxuu u baahan yahay inuu muujiyo dhaqan wanaag, uuna ka soo baxo shuruudaha qaar, codsigiisana waa in uu ansixiyo xaakim.

Shuruudaha waxaa ku jira inuu yahay maxbuus shaqeeya, gaar ahaan maxaabiista loo ogol yahay inay ka shaqeeyaan meel ka baxsan xabsiga ay ku xiran yihiin inta cadceeddu soo jeeddo, fiidnimadana dib ugu laabta xabsiga.

Sidoo kale, qofka dalbanaya fasaxa waxaa laga doonayaa inuu soo qaatay lix meelood oo meel muddada xukunkiisa, maxaabiista u xiran dambiyo markii labaad loo xirayna waxaa laga doonayaa inay qaateen afar meelood oo meel muddada xukunkooda.

Dadka fasaxyadaas aan xaqa u lahayn waxaa ka mid ah maxaabiista dilka gaystay. Waxaa kaloo ku jira kuwa gaysta afduubka, kufsiga iyo jirdilka dhimashada sababa.

Xeerarka iminka yaalla ee ogolaanaya fasaxyadaas gaagaaban ee xilliyada Kirirsmaska, ciidda Easter-ka, maalinta haweenka iyo ciidaha kale ayaa ah kuwo uu muran ka taagan yahay, ayadoo aysan ahayn markii ugu horreysay ee maxaabiis ay fasaxyadaas ku baxsadaan, kuwaasoo aan dib u soo noqon.

Sannadkii 2022, 43% maxaabiistii la fasaxay ayaan ku soo laaban xabsiga sida laga soo xigtay waaxda xabsiyada ee magaalada Rio de Janeiro.

Koongareeska Brazil ayaa waxaa haysta cadaadis la xiriira inuu ansixiyo sharci cusub oo adkaynaya xeerarka iminka yaalla ee dhigaya in maxaabiistu ay wakhti ku soo qaadan karaan guryahooda.

Ma jiraa sharci ogolaanaya in maxbuus uu xabsiga dibadda ka joogo

Sida caadiga ah, marka la eego sharciga dalka Ingiriiska, maxbuus waxaa loo ogolaan karaa in uu muddo gaaban dibadda ka joogo xabsiga xilliyada ugu dambeeya xabsigiisa, ayadoo aan loo eegayn dhererka muddada lagu xukumay.

Sidoo kale waxaa loo ogol yahay maxbuus inuu dibadda joogo maalinta ka horreysa xilliga sii deyntiisa, ujeddadana waxaa ka mid ah inuu shaqo raadsado ama qaato tababar ka caawinaya inuu shaqo helo.

Habeenka sii deyntiisa ka horreysana maxbuuska waxaa loo ogol yahay inuu ku qaato meel loogu sii tala galay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here