Home Wararka Caalamka Maxaa Sabab u ahaa in Sharciga Deganaanshaha Sweden laga ceshto 6,000 kun...

Maxaa Sabab u ahaa in Sharciga Deganaanshaha Sweden laga ceshto 6,000 kun oo Qaxooti ah

0

Dhawaan dowlada Sweden qeybteeda Laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka ayaa ku dhawaaqday in 6000 kun oo Qaxooti ah laga ceshtay Sharciga Deganaanshaha kaasi oo markaasiii hore ahaa mid kumeel gaar ah.

Hadaba Maxaa Sabab u ahaa in Sharciga Deganaanshaha laga ceshto dadkaasi.

Dhoor Qodob ayaa ugu weyn in Dadkan dib loogu ceshto sharcigooda Deganaanshaha mida ugu horeysa ayaana ah in aysan buuxin Sharuudaha lagu heli karo midka rasmiga oo ah Helitaanka Shaqo iyo in Dalalka ay kasoo tageen laga helay nabad waarta.

marka laga soo tago labada Qodob waxaa jira Qodobo kale oo loo cuskaday in dib looga ceshto dadkaasi sharciyada ay heesteen sida Dambiyo ay geesteen iyo qodobo kale oo aan la shaacin.

hadii aad heysato Sharciga ku meel gaarka isla markana aad dooneyso midka rasmiga waxaa muhiim ah inaad buuxiso sharuudaha lagaaga baahanyahay oo ugu horeyso inaad dambi ka galin wadankan iyo inaad hesho shaqo abadiya ah ama rasmi ah.

Sweden ayaa soo saartay sharciyo kala duwan waxana badankooda ay qaadaneysaa mudo dheer inay dhaqan galaan lakin taasi inta aan la gaarin waxa uu qofka heestaa inuu sameeyo hormar balaan si uu kaga gudbo xaaladaha soo socda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here