Home Wararka Maanta Maxaa ku soo kordhay Xaalada Coronavirus ee Sweden

Maxaa ku soo kordhay Xaalada Coronavirus ee Sweden

0

Afartan qof oo hor leh ayuu cudurka Coronavirus ku dilay Sweden, sida ay shaacisay hay’adda caafimaadka bulshada. Guud ahaan tiradda dhimashada Sweden ayaa mareysa 373 maanta halka inta la xaqiijiyay ee cudurka uu hayo guud ahaan dalka gaarayaan 6443.

Dhanka kale shirkadda gaadiidka gobolka Srockholm ee SL ayaa ku boorineysa dadweynaha in ay iska joogaan guryahooda haddii qofka shaqo muhiim ah uusan u hayan bulshada.

Ogeysiis ka soo baxay shirkadda ayaa u qornaa: ”Soo dhowow oo ina raac – haddii aad howl muhiim ah u heyso bulshada. Waxaan ka codsaneysaa inta kale in aysan ina soo raacin imminka, waa sida uu soo daabacay wargeyska Aftonbladet.

Fiiro gaar ah: Wararka Corona gaar ahaan tirakoobka waa mid isbedeli kara ilbiriqsi kasta.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here