Home Wararka Caalamka Maxaa dhacay duqeymihii Maraykanka ee Xuutiyiinta kadib?

Maxaa dhacay duqeymihii Maraykanka ee Xuutiyiinta kadib?

0
Photo/TT

Kaddib toddobaadyo digniinno ah, mareykanka iyo Ingiriiska ayaa fuliyay duqeymahoodii ugu horreeyay ee cirka ah iyagoo ku qaaday bartilmaameedyo ay xuutiyiintu leeyihiin 11-kii Bishan janaayo. Haddaba aan eegno wixii dhacay intaa kadib.

15-kii Jannaayo: xuutiyiinta ayaa weeraray Markab xamuul oo mareykanka laga leeyahay kaasoo ku sugnaa gacanka cadmeed, iyagoo la helay gantaallada ka hortaga maraakiibyta, balse cidna waxba kuma noqon sidoo kalena waxyeello weyn lama soo sheegin.

16-kii Jannaayo: Markab uu ka lushay calanka jasiiradda Malta oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa badda cas lagula helay gantaal. Markabkan ayaa joojiyay badeecooyinkii uu marsiin jirya Badda cas iyadoo laga baqayo weerarrada.

17-kii Jannaayo: mareykanka ayaa Xuutiyiinta u aqoonsaday urur argagixiso

18-kii Jannaayo: xuutiyiinta ayaa sheegtay mas’uuliyadda gantaal lala eegtay Markab booyad ah oo mareykanku leeyahay

22-kii Jannaayo: Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay weerareen markab kuwa xamuulka qaada ah oo Mareykanku leeyahay oo marayay Gacanka Cadan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here