Home Wararka Denmark Mattias Tesfaye ”Imaamyada Muslimiinta waa inay Haweenka u Fasaxaan Galmo ka horeysa...

Mattias Tesfaye ”Imaamyada Muslimiinta waa inay Haweenka u Fasaxaan Galmo ka horeysa guurka ”

0

Wasiir Danish ah ayaa aad uga caraysiiyey Muslimiinta dalkaasi kaddib markii uu soo jeediyey in Imaamyada iyo hogaamiyeyaasha bulshada Muslimku ay taageeraan wax uu ku sheegay ”xaq” loo leeyahay in la isu galmoodo guurka kahor.

Mattias Tesfaye, oo ah Wasiir Dibadeed iyo Isdhexgalka ayaa war uu Facebook kusoo qoray bishii hore uu iminka soo shaac baxay kaddib markii uu la kulmay hoggaamiyeyaal Muslim ah: “Waxaan si toos ah u waydiiyey in ay cod dheer ku sheegaan in haweenka Muslimka ihi ay xaq u leeyihiin galmo guurka ka horreeysa sida haweenka kale oo dhan.”

Warqaadka Danish-ka ah ee Dagbladet Information, ayaa sidoo kale daabacay Oktoobar, in Tesfaye uu qoray: “Waxaan kaloo maqlay in haweenka Muslimka ihi ay ka baqanayaan in dhiig ka iman waayo habeenka aqal galka oo laga rabo inay bikro ahaadaan. Waa noloshiinna ee yaanu idin xukumin Imaam iyo sharci duugoobey.”

Arrintan ayaa dood ka dhalisay Muslimiinta Denmarka iyadoo uu Hediye Temiz, oo isagoo 22-jir ah ka mid ah Golaha Muslimiinta Denmark uu sheegay in hadalka wasiirku uu majara habowsan yahay, isla markaana uu isku dayayo in uu wax u xalliyo si aan sax ahayn.

Halima El Abassi, oo iyaduna ka mid ah Golaha Dadka laga Tirada Badan yahay isla markaana la talisa Dowladda Denmark ayaa sheegtay haweenku aanay ”wasiir uga baahnayn inuu kala taliyo sida ay yeelayaan”, mar ay u warrantay Al Jazeera.

Tesfaye, ayaa bilihii u dambeeyey aad u daba dhigtay haweenka Muslimka ah ee Denmark, isagoo 14-kii Nofeembar bilaabay barnaamij ay Waddo Waaxda Isdhexgalka oo lagu beegsanayo haweenka kasoo jeeda dadka laga badan yahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here