Home News in English Mariam oo Kilideeda ugu deeqday Cabdi Raxmaan oo Somaliya u dhashay

Mariam oo Kilideeda ugu deeqday Cabdi Raxmaan oo Somaliya u dhashay

0

Waa dhacdo hadal hayn badan dhalisay kana farxisay Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim oo loo garan ogyahay (Cabdiraxmaan Waryaa) isla markaana mudo dhowr sano ah daris la ahaa xanuun ka haleelay Kelliyaha kaas oo markii ugu horeeysay uu isku arkay sanadkii 2015-kii xili uu soo gutay waajibaadka Xajka. Wuxuu ku nool yahay dalka Norway.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Marian Nabunya, asal ahaana ka soo jeeda dalka Ugandha ayaa ka mid aheyd macaamiisha dukaan uu uu Cabdiraxmaan ku lahaa magaalada Oslo waxaana ay is yaqiineen mudo badan taasi oo horseed u noqtay in ay si qoto dheer u wareeysato xaaladda caafimaad ee Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan oo xaaladiisa caafimaad ay ku qaaday inuu safro dalalka Jarmalka iyo Mareykanka ayaa mar walba la siinayay daawo kaalmaati ah oo mudo kooban uun uu isticmaalayay.

“Maalin maalmaha ka mid ah oo aan wada qadeyneynay waxaan isku soo qaadnay xaaladeyda caafimaad oo sii liidaneysay, arageygeyna uu sii daciifayay marka iyadaa i wyadiisay oo igu tiri maalmahaan muuqalkaagu ma wanaagsanee sidee wax u jiraan “, ayuu yiri Cabdiraxmaan ooo ka sheekeynaya sida ay ku timid tabarucaadda Mariam.

Intaas kadib Markii uu Cabdiraxmaan u sheegay in u ubaahan yahay in laga badela kellidiisa, ayay u sheegtay jawaab la yaab leh oo uusan filaneynin.

Marian Nabunya ayaa qaadatay go’aan waxayna aaday cusbitaalka si ay ugu sheegto in ay dooneyso in ay kellideeda ku caawiso dhibane Cabdiraxmaan.

Baaritaan ka dib waxay u saxiixday inay ugu deeqdo kelllideeda si mutadawcnimo ah.

Cabdiraxmaan ayaa hadda sugaya in kellidaasi loo geliyo, waxaana uu sheegay in shekadan uu go’aansaday inuu la wadaago bulshada si buu yiri uu dadka ugu baraarujiyo in caawinta qof buko oo xubin muhiim ah u baahan loo caawiya iyadoo ana la eegeynin xiriirka uu qofkaasi kula wadaago.

Somaliska Oslo

Xigasho/BBCSOMALI

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here