Waaxda Ammaanka Gudaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi loo cusbooneysiin doono waraaqaha KMG ee loo yaqaano TPS
Ilaa 499 qof oo Soomaali ah oo haysata Dukumentiga Nidaamka Badabaadinta KMG ee (Temporary Protected Status (TPS) for Somalia eeTPS ayaa la sheegay inuu Dukumentiyadaasi ka dhici doono bisha September 17-da ee sannadkan 2018-ka.
Xoghayaha Ammaanka Gudaha ee dalka Maraykanka, Kirstjen Nielsen ayaa la sheegay inay ansixisay Dib-u-cusbooneysiinta Dukumentiyadaasi, iyadoo la filayey inay Go’aankeeda shaacin doonto bishan July 19-da.
Dukumentiga TPS waxa uu dadka Soomaalida u fasaxayaa inay sahqooyin raadsan karaan, isla markaana ay u socdaali karaan Goballadda dalkaasi.
Mudanayaal ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo uu horkacayey Senator Keith Ellison ee Muslimka ah waxay si wadajir ah u soo saareen Qoraal ay u direen Xoghayayaasha Ammaanka Gudaha iyo Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, oo ay ku  codsadeen in Dadka Soomaalida ee dalka Maraykanka ku jooga Nidaamka Badbaadinta KMG (TPS) loo cusbooneysiiyo Dukumentiyadooda,
Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka (CAIR) waxay horey uga digeen in dadka Soomaalida ee uu ka dhacay  Dukumentiyadda TPS aan dib loogu celinin dalkooda
Jaylaani Xuseen oo Golahaasi wakiil uga ah Go
balka Minnestota wax uu ka digay in dadka Soomaalida ee uu ka dhacayo Aqoonsiga Badbaadinta KMG aan dib loogu celinin Somalia, isagoo xusay inay khatar kala kulmi karaan.
320,000 shisheeye oo ka soo kala jeeda 10 Waddan oo ay Somali ku jirta oo  haysta Waraaqaha Badbaadinta KMG ee TPS, ayaa ku nool  Maraykanka, kuwaasi oo 6-dii biloodba mar loo cusbooneysiiyo Dukumentigaas.