Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ka hadlay Codsiga Sweden iyo Finland ee ku biirista NATO

Mareykanka oo ka hadlay Codsiga Sweden iyo Finland ee ku biirista NATO

0
Foto: Andrew Harnik / AP

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Sweden iyo Finland ay buuxiyeen dhammaan shuruudaha looga baahan yahay inay ku biiraan NATO, ayna siiyaan taageero xooggan oo Mareykanka ah.

“Maanta waxaan ku hanweynahay in aan soo dhaweeyo, oo aan siiyo taageero xoog leh, codsiyada laba saaxiib oo aad u karti badan si ay ugu biiraan isbahaysiga difaaca ee taariikhda ugu adag,” ayuu Biden ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Rosehagen oo ka baxsan Aqalka Cad Khamiistii.

– Waxay buuxiyeen dhammaan shuruudaha NATO iyo in yar oo dheeraad ah.

Shirka jaraa’id ayaa la qabtay kadib kulan ay la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Sweden Magdalena Andersson iyo Madaxweynaha Finland Sauli Niinistö.

“Waxaan rajeynayaa inaan dhawaan waco asxaabta, Finland iyo Sweden,” Biden ayaa intaasi ku daray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here