Home Wararka Caalamka Mareykanka oo joojiyay Dal ku galka ajaanibta iyo Sharciyada qaar ee uu...

Mareykanka oo joojiyay Dal ku galka ajaanibta iyo Sharciyada qaar ee uu bixiyo

0

Madaxweyaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay muddada hakinta qaar ka mid ah sharciyada giriin kaadhis-ka sidoo kalana waxa uu joojiyay dal ku-gallada ajaanibta ilaa dhamaadka 2020-ka.

Xirfadleyaasha ku xeel dheer tignoolojiyadda iyo shaqaalaha xilliyada gaarka ah shaqeeya ayay tallaabadani saameyn doontaa.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in tallaabadani ay shaqa abuur u sameyn doonto dadka reer Mareykan ee uu dhaqaalohooda u wiiqmay sababo la xiriira fayraska corona.

Hase yeeshee dadka wax dhaliila ayaa sheegay in Aqalka Cad uu si khaldan u adeegsanaya fayraska corona si uu u sii adkeeyo sharciyada ka dhanka ah socdaalka.

Xog la siinayey warbaahinta ayay dawladdu ku sheegtay in joojintani ay soconaysa tan iyo inta laga gaadhayo dhammaadka sannadkan, taas oo saamaynaysa ku dhawaad dad gaadhaya 525,000 oo qof.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here